Sida harimacadka yar yar ee dhasha ah looga keeno duurka ee ay ku soo gaadhaan instagaramkaaga

Kooxo isku xidhan oo dambiilayaal ah oo Somaliland jooga ayaa harimacadka dhasha ah ka dhoofiya Africa oo u geeya dadka maalqabeenka ah ee wadamada kale jooga. imika ayaa wadankaa afrikaanka ah ee goonida u go’ay uu arintaa la dagaalamaya.

Harimacad 7 bilood jirey, waxa uu saaranyahey gaadhi ah SUV waxa uu u dhawaaqaya sida foodhida oo kale. Masuuliyiinta ayaa soo qabtey harimacadkan yar, waxaaney markii dambe u bixiyeen Astur, ka hor intii aan laga iibinin dadka sida sharci-darroda ah uga ganacsada. Laakiin sanad walba waxaa laga yaabaa in boqolaal harimacad ah oo yar-yar si tuugo ah looga saaro Somaliland, loona geeyo wadamada ku yaala Gacanka Beershiya loona iibiyo iney noqdaan xayawaan guryaha lagu haysto.

Miyaad garaneysaa xayawaankan? Su’aashan uu waydiiyey garyaqaanka dacwadaha soo oogaa waxey ku saabsantahey 5 harimacad oo dhal ah ama yar yar oo sallad ku wada jira waxanaa la hor hayaa labada nin ee eedaysanayaasha ah si ay uga arkaan meesha ay ku xidhan yihiin ee xaga hore ee maxkamada ku taala, waxaa harimacadka dhasha ahi ay sameynayaan dhawaaq la mid ah ka shimbiraha oo murugo ay ka muqato, kaas oo ay soo celinayaan gidaaradda iyo dhulka shubka ah ee maxkamadda.

Mid ka mid ah labbada nin, waxa weeye Cabdiraxmaan Yusuf Mahdi oo loo yaqaano Cabdi Xayawaan. Waxa uu eegayaa harimacadka dhasha ah, wuxuu yidhi “waligey hore umaan arkin isagoo gacmaha saydhaya.

Qaddar ayaa la yara aamusey dabadeedna ninkii labaad oo ah Maxamed Cali Guuleed ayaa hadley: wuxuu yidhi “waxaa laga yaabaa iney u eegyihiin iney ka yar-yar yihiin, laakiin harimacadkan dhasha ahi waa kuwii gurigeyga laga keenay.”

Labadan nin waxa maxkamada lagu saarayaa Hargeysa, waxaana lagu eedeeyey in ay harimacad yar-yar oo dhal ah ay ka soo qabsadeen duurka wakhtigan oo Somaliland ay sutida u qabaneyso kooxaha isku xidhan ee gobolkan ka dhigey meel sii sharci-darro ah looga dhoofiyo harimacadka oo ah xayawaan soo jiidasho leh oo marba marka ka dambeysa tiradiisu ay aad u sii yaraaneyso.

Dacwadani waxey bilaabantey bishii octoobar ee 2020 markaas oo bileyska oo ka war-helay ay bilaabeen hawlgal lagu soo helay 10 harimacad oo dhal ah oo laga soo qabtey guriga Guuleed oo lagana soo xidhey isaga iyo Cabdi Xayawaan. Waxey aheyd markii lixaad ee harimacad lagu qabto Somaliland muddo afar bilood gudahood ah.

Guuleed waxa uu u soo dhaqaaqey biraha qafaska ay ku xidhan yihiin isaga iyo Cabdi Xayawaan si ay ula hadlaan xaakinka.

Wuxuu yidhi waxaan harimacadkan dhasha ah u sii hayey saaxiibkey Cabdi Xayawaan, oo dhowr bilood ka hor aanu is baraney. Markaas oo Cabdi Xayawaan waydiistey in uu si ku meel gaadh ah ugu sii hayo alaabtan gurigiisa, taas oo Guuleed uu ogolaadey.

Alaabtiina waxey noqotey harimacad. Cabdi Xayawaan ayaa yimid guriga Guuleed isagoo kiish weyn oo balaastik ah ay ugu jiraan harimacadka dhasha ahi oo ay xagga dambe u saaran yihiin gaadhigiisa midabka qalinka ah leh ee SUV ga ah. Wuxuu Guuleed siiyey dhowr boqol oo doolar oo u hilib iyo caano  ugu soo iibiyo xayawaanka, sida uu Guuleed sheegay. Waxaanu ku adkeystay inaanu ka war heynin in haysashadda harimacadka dhasha ahi ay mamnuuc tahay.

Waxa uu sheegay Guuleed in maadaama Cabdi Xayawaan uu saaxiibkii ahaa uu isagu baddan galiyey. Wuxuu yidhi, waxaan leeyahey sideed iyo toban caruur ah iyo afar xaas, waxaanan codsanayaa in markan la ii danbi dhaafo.

Cabdi Xayawaan, oo fadhiyey kursiga dheer ee Guuleed ka dambeeya ayaan wax jawaab ah ka bixinin. Waxa hore loogu helay saddex dambi oo la xidhiidha harimacadka waxaana u meel martey sumcadda ah in uu yahey ninka ugu sareeya ee harimacadka ka dhoofiya Somaliland.

Markii uu sarre-joogsadey si uu isaguna markiisa uga waramo wixii dhacey, waxa uu u hadlayey si iska degan oo dan iyo muraad toona aanu ka laheyn waxa socda.

Wuxuu yidhi, haa, wakhti ayaan xabsi ku jirey iyadoo la ii heystay in aan si sharcidarro ah harimacad ku dhoofinayey laakiin imika wax shuqul ah kuma lihi ganacsigaa. Harimacadkan dhasha ah waxa iska leh Guuleed, mana jiraan wax cadeynaya in aan anigu ku lug lahaa

Xaakinku umuu muuqan in uu hadalkaa ku qancey.

Inka yar 7000 oo harimacadka waaweyn ayaa wali duur joog ah, sidda lagu sheegay tirro-koobyo dhawaan la soo saarey, waxaaney badankoodu ku nool yihiin afrika koonfurteedda iyo barigeedda. Ganacsigga caalamiga ah ee harimacadka waxaa la mamnuucey 1975. Iyadoo sidaas ah, ayaa hadana intii u dhaxeysay 2010—2019, waxa caalamka lugu iibinayey amaba lagu iibiyey 3600 oo harimacada, iyadoo  kaliya ay ciidamada sharciga ilaaliyaa ay qabteen, waxaana sidaas sheegtay Patricia Tricorache, oo cilmi baadhe ka ah Jaamacadda Gobolka Colorado ee dalka mareykanka oo iyaddu ku raad-joogtay ganacsiga harimacadka muddo 15 sanadood ah. In harimacadka laga soo qabto duurka waxey sharci-darro ka aheyd soomaaliya tan iyo 1969.

Dhulkii uu harimacadku ku noolaan jirey oo dadku la wareegeen iyo dilka aar-goosiga ah ee xoolo dhaqatadu kula kacaan marka uu xoolahooda uu ka cuno ayaa ah labada arrimood ee ugu waaweyn ee halista ku ah noolosha harimacadka, waxana intaasi u dheer ka ganacsiga sharci-darroda ah ee ka ganacsiga harimacadka dhasha ah. Harimacadka dhasha ah oo wali xanaano u baahan oo walina ka maarmin harimacadka waaweyn ee dhaley ayaa laga soo qabsadaa duurka iyada oo hooyooyinkood ay ugaadhsi ku maqan yihiin, mararka qaarkoodna waxaaba dhacda dadka harimacadka ugaadhsanayaa ay hooyada lafteeda usoo daba galaan halka dhasheedu ay taalo.

Iyagoo lugeynaya ama saaran awr, gawaadhi iyo doonyo ayaa dadka ku hawlan ganacsigaa sharci-darrada ahi waxa ay harimacadka dhasha ah ay dhex mariyaan Geeska Afrika, iyagoo ka gudbiya gacanka cadmeed oo geeya wadanka Yemen, safarkaasi oo 200 mayl dhan ama ka badan ayaa waxa uu qaadan karaa muddo toddobaadyo ah.

Harimacadka dhasha ah ee safarkaa ka badbaada ayaa waxa loo iibiyaa iney noqdaan xayawaan guryha lagu haysto wadamada Sacuudi Carabiya isu-tagga Imaaraatka Carabta, Kuwayd, iyo waddamada kale ee gacanka.

Waxa la rumeysan yahey iney Somaliland xarun u tahey ganacsiga harimacadka iyadoo sababtuna tahey sida sahlan ee looga gaadhi karo xayawaanka ku nool Itoobiya iyo Kenya.

Xeebta Somaliland ee dhererkeedu ku dhawyahey 500 mayl, iyo sidda ay ugu dhawdahey wadanka Yemen nooc kasta oo ganacsiga ah, ama sharci ha ahaado ama sharci-darraba ha ahaadee muddo tobanaan sanno ah ka gudbayey badda Gacanka Cadmeed. Wakhtigan xaadirka ah waxa si sharci darro ah looga dhoofiya Geeska Afrika harimacadka dhasha ah, dhagaxaanta macdanta ah, dadka tahriibta ah iyo waliba qoryaha iyo waxyaabaha qarxa iyo rasaasta oo si sharci-darro ah oo qarsoodiya lagu soo galiyo.

Garyaqaanka dacwaada ku soo oogayey waxa uu u sheegay xaakinka Cabdi Xayawaan uu yahey nin si isdaba joog ah dambiyo u gala, waxa uu garyaqaanku xaakinka maqashiiyey fariin cod ah oo laga helay telefoonka Cabdi Xayawaan ee laga qaadey ka dib markii la xidhey. Codadkaasi mid ka mid ahi waxa weeye Cabdi Xayawaan oo sadex bilood ka hor nin ay wada shaqeeyaan oo Itoobiya jooga uu u sheegayey in uu u soo helo harimacad dhal ah.

Cod kalena wuxuu ahaa isaga oo lacag la soo xawilayo kala xaajoonayey nin ay xidhiidh lahaayeen oo jooga wadanka Yemen. Garyaqaanka dawlada ee dacwada ku oogayey wuxuu xaakinka tusey sawiro iyo fiidyowyo ay ka muuqdaan harimacad dhal ah oo telefoonkiisa laga helay, qaarkood waxey ahaayeen qaar deegaanada Somaliland laga helay qaarna waxa laga keenay Itoobiya qaarna waxay ahaayeen kuwo loo direy wadanka Yemen. Cabdi Xayawaan wuxuu ku adkeystay in uu ninkaa u la xidhiidhey uun isaga oo ku lahaa $80,000 doolar oo uu shiidaal ka siiyey.

Bishii noofambar ayaa Guuleed iyo Cabdi Xayawaan lagu helay dambiyadaa. Guuleed, oo aan wax dambiya hore u laheyn, waxa lagu xukumey sannad xadhig ah. Cabdi Xayawaan waxa lagu xukumey afar sanoo xadhig ah, waxaanu xadhigiisu ahaa kii ugu dheeraa ee ku saabsanaa dambi dhinaca deegaanka ah ee soomaliland ka dhaca, waxaana garsoorka Somaliland ka noqdey mid aad u muhiima, oo ay rajeynayaan ciidamadda sharciga ilaaliya iyo hogaamiyayaasha siyaasaduba in uu noqon doono mid ay ka waabtaan dadka sida qarsoodiga ee sharci-darrada ah u dhoofiya harimacadka.

10 kii harimacad ee dhasha ahaa waxaa imika lagu hayaa xarun lagu daryeelo xayawaanka la soo bad-baadiyo oo ku taala magaalada Hargeysa. Waxaana xaruntaa gacanta ku haya sanduuqa bad-baadada harimacadka {Cheetah Conservation Fund}, waxaa  weeye urur aan macaash doon aheyn oo xaruntiisu tahay Namibia oo ka shaqo bilaabey sanadkii 2011. Badhtamihii 2021 ayaa ururkaasi oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano CCF waxey saddex xarumood ku lahaayeen magaalada Hargeysa, waxaaney ku hayeen 60 harimacad iyo hal shabeel. Iyadoo sababtu tahay xayawaankaasi oo duurka laga soo qabtey iyaga oo aad u yar-yar midkoodna umey suurtogali kareyn inuu duurka ku noolaado mar kale, waana in meelahaasi lagu hayaa inta noloshooda ka hadhey.

Sida loo jecelyahey harimacadku waa mid la iska garan karo. Marka ay yar-yar yihiin waxey leeyihiin indho waaweyn oo waageersan iyo jidh ay gacantaadu jeclaysan karto. Markay waynaadaana haragooda waa mid ay gacantaadu jeclaysaneyso, waana ay dheereeyaan waxaaney leeyihiin haybad umana dhiirana sida libaaxa iyo shabeelka waxaaney u dhaqmaan oo kale sida bisado waaweyn oo guriga jooga oo kale.

Marka taariikhda la eego, harimacadku waxa uu ahaa mid ay isku muujiyaan dadka maalqabeenka ahi, sida Masaaridii iyo Talyaanigii hore.

Marka maanta la eego, dadka harimacadka iska lihi waxey u badan yihiin iney yihiin dadka maalqabeenada ah ee ku nool Gacanka Beershiya oo harimacadka u isticmaala mid ay magacooda sare ugu qaadaan xagga baraha bulshada, gaar ahaan Instagram. Instagram waxa kale oo uu yahey meesha ay sawiradda harimacadka yar-yar ay soo dhigaan dadka iibinayaa sida ay sheegtay Tricorache.

Instagram mar la waydiiyey iney arrimahaa ka jawaabaan way ka gaabsadeen.

<p>Akbar, hogaamiyaha oo qarnigii 16 aad xukumayey Mughal India, wuxuu harimacadka ku ugaadhsan jirey deerada iyadoo harimacadku wakhtigaa uu ku noolaa deegaamadaa Asiya. Sawir gacmeed la sameeyay 1590 yadii waxa uu soo qabsanayaa harimacad duur joog ah oo la soo dabay, oo qasrigiisa la keenay si loogu tababaro inuu ku ugaadhsado.</p>

Akbar, hogaamiyaha oo qarnigii 16 aad xukumayey Mughal India, wuxuu harimacadka ku ugaadhsan jirey deerada iyadoo harimacadku wakhtigaa uu ku noolaa deegaamadaa Asiya. Sawir gacmeed la sameeyay 1590 yadii waxa uu soo qabsanayaa harimacad duur joog ah oo la soo dabay, oo qasrigiisa la keenay si loogu tababaro inuu ku ugaadhsado.

“AKBAR ASSISTS IN CAPTURING A CHEETAH,” FROM THE AKBARNAMA, BY TULSI AND NARAYAN, VICTORIA AND ALBERT MUSEUM, LONDON

Dawladda Somaliland dadaal aad u badan ayey galisey sidii looga hortagi lahaa ka ganacsiga harimacadka ee sharci darroda ah, marka loo eego waddamada kale badankooda, marka ay timaado sida wax looga qabanayo nooc kasta oo ah dambiyada la xidhiidha duur-joogta.

Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miiyiga ee Somaliland Shukri Haji Ismail Mohamoud ayaa sheegtay in inkasta oo Somaliland ay tahay waddan curdin ah, oo soo koraya, in ay hadana yihiin waddan aan dooneynin inay arkaan dhibaatooyin soo gaadha duur-joogta.

Wasaaradeedu waxey sutida u qabatey harimacadka sida qarsoodiga ah loo iibgeeyo, iyaga oo la shaqeynaya ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland, baarlamaanka, garyaqaanka guud ee dawladda iyo wasaaradda arrimaha gudaha. Dagaalkaasi waa mid Somaliland ay ku ilaalineyso deegaankooda dabiiciga ah, isla markaasna ku xoojinayaan nabadda iyo xasiloonidda, si ay u helaan aqoonsi caalami ah.

Aqoonsi la’aanta Somaliland waxey keentay inaaney si toos ah u helin gargaar caalami ah. Waxaaney taasi ka dhigtey ciidamadoodu inaaney haysan gawaadhi ay ku raadiyaan dadka la tuhunsan yahey, iyo doonyo ay ku ilaaliyaan xeebahooda, iyo qalabkii isgaadhsiinta ee ay ku wada xidhiidhi lahayeen. Waxa kale oo wasaaradda deegaanka ku adkeysay in ay hawlahooda gaadhsiiyan meelo ka baxsan magaalada Hargeysa. Dad aad u tiro yar oo ku nool dhulka miyiga ah, ee durugsan ee uu ka soo bilaabmaan hawlahan sida tuugada ah xayawaanka lagu qaado ayaa ka warhaya iney jiraan sharciyo lagu ilaalinayo duur-joogta.

Dadka xoolo dhaqatada ah oo uu harimacadku uu caadiyan u yahey mid xayawaankooda halis ku haya, ayaa iibka harimacadka dhasha ahi anu waxba sidaasa uga duwaneyn riyaha la iibiyo.

<p>Sida ay sheegtay Hollis Stewart oo ah dhakhtarad xayawaanka qaabilsan, oo ka soo shaqeysay daryeelka xayawaanka goobaha xidhan lagu hayo ee Dubai, dadka iibsada harimacadka dhasha ah, si dhakhsa ah ayey uga xiiso dhacaan, taas oo ka duwa sawirka ay muujiyaan.</p>

Sida ay sheegtay Hollis Stewart oo ah dhakhtarad xayawaanka qaabilsan, oo ka soo shaqeysay daryeelka xayawaanka goobaha xidhan lagu hayo ee Dubai, dadka iibsada harimacadka dhasha ah, si dhakhsa ah ayey uga xiiso dhacaan, taas oo ka duwa sawirka ay muujiyaan.

Mahdi Faarax Dugsiye waxa weeye nin 38 sano jir ah. Wuxuu leeyahey xaas iyo 7 caruur ah, 40 isugu jira riyo iyo iddo iyo geel. Waxaana imika looga yaqaana deegaanka uu ku noolyahey ee agagaarka magaaladda Boon inuu yahey nin harimacadka ilaaliya, laakiin dhowr bilood ka hor mid ayuu toogasho ku diley.

Goor dambe oo galab ah ayaa waxa uu maqley dhawaaq murugo leh. Markii uu u soo cararey dhinacii xoolihiisu ka jireen, ayaa waxa uu arkey harimacad ri cunaya. Ri’daasi waxey aheyd ta inankiisa uga yari caanaha ka heli jirey, waxaan yidhi, “Aadbaan u cadhoodey oo waaban ooyi gaadhey. Waxey noqotey inaan aar-guto.”

Qorigiisii ayuu si hal-haleel ah ku soo qaatey, qorigaas oo uu aabihii ka dhaxley. Markii uu soo noqdey harimacadkii wali halkiisii ayuu joogey hal xabbo ayuu ku ridey waxaaney ka haleeshay dhinaca. Harimacadkii uu ordey laakiin Mahdi waxa uu ogaa inuu si dhakhso ah u dhimanayo.

Wuxuu yidhi, “Qorigii ayaan dhunkadey, ujeedadeydiina waan ku guuleystay,” isaga oo Mahdi ka sheekaynaya sidii ay maalintaa wax u dhaceen.

Dadka kale ee xaaladahaas oo kale ay soo maraan qaarkood waxa ay raadsadaan harimacadka dhasha ah oo ay ogyihiin iney suuq leeyihiin, oo hadii ay iibiyaan harimacadka, dhasha ah ay ka caawin kareyso iney ku kabaan qasaarihii xoolahooda soo gaadhey, laakiin Mahdi waxa uu ku qanacsanaa sida uu u aar-gutey. Wakhtigan xaadirka ah xiitaa hadii hal neef la waayo waxaa loo dareemaa si aad uuga wayn sidii ay u dareemi jireen jiilkii hore. Tusaale ahaan Mahdi aabihii waxa uu lahaa 500 oo isugu jirey lo, riyo, iddo iyo geel faro badan iyo beer, laakiin dhulku imika kuma haboona beeraha iyo xoolaha sidii uu bari ahaan jirey. Abaaraha ayaa aad u adkeeyay midhihii la beeran jirey oo daaqiina gabaabsi ka dhigey marka roobabku ay da’aan khasaare xoog leh ayey gaysan karaan sida duufaantii Sagar ee dhacdey 2018.

Waxa kale oo dhibaato xoog lihi haysataa xayawaankii duur-joogta ahaa. Iyadoo biyihii iyo daaqiiba ay aad u yaraadeen, oo xayawaankii uu ugaadhsan jiray ee ay ka mid ahaayeen deeradda iyo doofaarka aaney sidoodii hore u badneyn ayaa harimacadka waxa khasab ku noqotey in cunto kale uu helo, oo mararka qaarkood uu cuno riyaha iyo iddaha oo xoolo dhaqatadu ay geeyaan meelo durugsan oo ah dhulkii harimacadku ku noolaa si xoolahooda daaqsin ugu helaan.

<p>Ka hor intii aan la soo bad-baadinin, Freya waxa lagu hayey qafas ka sameysan loox iyo waayiro aad baanu caato u ahaa waanu fuuq-baxey. Imika wuu caafimaad qabaa, waxaana uu jecel yahay inuu fuulo, jirrid waxaanu fadhiyaa meel sarre, waxaanu ku ciyaaraya caruusado. Isaga iyo harimacadka kale ee dhasha ee halkan ku sawiran waxa magacyada u bixiyey shaqaalaha hay’adda sanduuqa bad-baadinta harimacadka.</p>

Ka hor intii aan la soo bad-baadinin, Freya waxa lagu hayey qafas ka sameysan loox iyo waayiro aad baanu caato u ahaa waanu fuuq-baxey. Imika wuu caafimaad qabaa, waxaana uu jecel yahay inuu fuulo, jirrid waxaanu fadhiyaa meel sarre, waxaanu ku ciyaaraya caruusado. Isaga iyo harimacadka kale ee dhasha ee halkan ku sawiran waxa magacyada u bixiyey shaqaalaha hay’adda sanduuqa bad-baadinta harimacadka.

Rasmi ahaan, harimacadku waxa Somaliland u ka dabar go’ay tobanaan sannadood ka hor laakiin xoolo dhaqatada badankoodu waxey sheegeen in mar mar iyo dhif ay arkaan. Mahdi waxa uu sheegay in uu harimacadka ku arko duleeddada magaalada Boon bishiiba ilaa hal mar. waxaa kale oo uu sheegay in marka ay ugu yartahey sannadkiiba hal mar ay xoolihiisa soo weeraraan.

Maalin ka dib markii Mahdi uu diley harimacadka, ayaa Cabdinaasir Xuseen oo ah agaasimaha duur-joogta ee wasaaradda deegaanku, uu gaadhi ku marayey deegaanka Boon. Waxaana waddada dhinaceeda uu ku arkey harimacad meyd ah. Nin xoolo dhaqato ah ayaa u sheegay inuu Mahdi harimacadkaa toogtey, waana la soo xidhey. Waxey aheyd markii ugu horeysay ee Mahdi uu ogaadey iney jirto cid u xilsaaran iney duurjoogta ilaaliso.

Dad aad u tiro yar oo ku nool Somaliland ayuunbaa ka warhaya inuu jiro sharci lagu ilaaliyo duur joogtu, gaar ahaana dhulka miyiga ah. Sida uu sheegay Cabdilahi Xasan Warsame oo ah duqa magaaladda Xariirad. Heerka qoritaanka iyo akhriska ee dadka reer miyiga oo aad u yar awgeed ayaa dhibaato ku noqdey sidii loo war gelin lahaa dadka xoolo dhaqatada ah oo iyagu inta badan ah dadka ay wada noolyihiin duur joogta. Waxaana uu sheegay inuu rumeysan yahey in haddii wax laga baro muhiimadda uu harimacadku leeyahey, ay beeluhu ilaalin doonaan, ee aaney noqon doonin qaar waxyeelo u geysta, gaar ahaan hadii hogaamiyayaasha dhaqanku ay kaalinta hore qaataan.

Mahdi waxa la soo daayey isaga oo aan wax dambiya lagu soo oogin ka dib markii la baray sharciga iyo sida loogu baahan yahey in harimacadka la ilaaliyo maadaama uu qayb muhiim ah ka yahey deegaanka dabiiciga ah ee Somaliland. Mahdina waxa uu sheegay inaanu waligii harimacad dambe toogan doonin.

Saboolnimada ayaa dadka qaarkood ka dhigta in ay laayaan ama ugaadhsadaan harimacadka laakiin dadka ugu sareeya ee sida tuugada ah harimacadka ku dhoofiya iyaga waxaa wada xoolo cir-doonimo. Nin ka mid ah raga dilaala harimacadka ayaa waxa uu yidhi, “Hadii inuun naxariisi kugu jirto shaqadani ma aha mid aad adigu qaban kartid,” waxa uu Cabdi Xayawaan ku tilmaamey inuu yahey nin qaad wale ah oo indhihiisu ay xinjir yihiin. Waxaanu intaasi ku darey inuu yahey nin aan nixin.

Cabdi Xayawaan waa nin ay cid waliba ay taqaano macaa wasiiradda iyo saraakiisha sarre ee ciidamada, waxa kale oo yaqaana maayaradda magaalooyinka, kaluumaysatadda iyo beeraleydda. Kornayl Yuusuf Iimaan Diiriye oo ah taliyaha ciidamadda saldhigoodu yahey Garissa ayaa Cabdi Xayawaan ku tilmaamey inuu yahey ganacsadaha ugu daran, waxaana uu sheegay inuu yahey ninka gobolkan ka dabar goynaya harimacadka.

Cabdi Xayawaan waxa uu inta baddan ka hawl-galaa magaalooyinka uu caruurnimadiisii kusoo korey ee Saaxil, sida ay sheegeen dadka deegaanka ku nooli. Wuxuu yaqaanaa marinadda aaney u badneyn in ilaalada ay iskaga hor imnayaan, iyo xeebaha aaney inta badan joogin ciidamadda ilaaladdda xeebuhu iyo magaalooyinka ay ku noolyihiin dad uu siiyo lacago ay wararka ugu keenaan.

Ciidamadda amaanku waxa ay ku xidhidhiyeen in ka badan 20 dhacdo oo gobolka Saaxil oo kaliya harimacad lagaga dhoofiyey sanadkii 2012kii. Intii ka horaysay intii aanay dacwadani dhacday deyrtii aynu ka soo gudubney, saddex goor oo kaliya ayaa dad loo xidhey in ay harimacad dhoofinayeen.

Cabdi Xayawaan waxa uu hawshan bilaabey muddo ka badan 10 sanno ka hor isaga oo la shaqeyn jirey nin kale oo si sharci-darro ah uga ganacsan jirey harimacadka. sida uu sheegay Timothy Spalla oo ah baadhe ay maalgaliyeen National Geographic Society oo isaga iyo koox uu watey ay baadhitaan ku sameeyeen ganacsiga harimacadka ee Geeska Africa iyo Barriga Dhexe. Cabdi Xayawaan waxa uu si dhakhso leh xidhiidh ula yeeshay Carabta harimacadka iibsata waxaanu kaga hor marey ninkii ay hore u wada shaqeyn jireen.

Xarunta ilaaladda xeebaha ee ku taala Ceel Sheekh oo ah magaalo xeebta ku taala ayaa waxey u muuqataa mid la iskaga tagey. Dhisme uu rinjigii ka daatey oo biro ay dhex yaalaan ayaa ciidamada la geeyay aaney haysan wax gawaadhi ah oo ay xaruntaa uga raacaan goobaha kale ee xeebaha ku yaala ee ay isticmaalaan dadka sida tuugada ah wax ku dhoofiyaa mana haystaan qalabka isgaadhsiinta iyo telefoonada satalaytka, telefoonka caadiga ahna maqalkiisu aad ayuu u liitaa, gaar ahaana xeebaha.

Doonyaha aadka u tiradda yar leh ee ay ilaaladu badda ku galaana run ahaantii waxba ma dhaamaan doonyaha yar-yar ee kaluumaysiga.

Muddo sanado badan ah ayey ka war hayeen inuu Cabdi Xayawaan uu xeebaha magaaladaa uu harimacadka ka dhoofin jirey. Gudoomiyaha Degmadda Maxamed Jamac Colaad ayaa sheegay inuu Cabdi Xayawaan yahey nin meelo badan ku xidhan, waxa sidaas oo kale iyaguna xidhiidho badan leh dadka doonaya iney ganacsigaa sharci-darroda ah joojiyaaan. Inkasta oo xaruntaaasi aaney laheyn waxyaabihii loo baahnaa ee lagu shaqeyn lahaa, hadana waxey mar sameeyeen hawlgal ay iyagoo lugeynaya ay ku joojiyeen, ka dib markii dad xidhiidh ay lahaayeen oo deegaanka ahi ay ugu soo warameen inuu halkaasi soo marin doono harimacadyo dhal ah oo uu gaadhi ku sidey.

Magaalo walba oo Somaliland ka tirsani ma aha mid ka liidata xagga qalabka shaqada sida Ceel Sheekh oo kale. Magaalada Berbera oo hoy u ah dekadda ganacsiga ah ee ay sameynayaan shariikada imaaraatka laga leeyahey ee DP World, waxaa jooga ciidamo badan oo ilaalada xeebaha kuwaas oo aad u yareeyay ganacsiga harimacadka ee sharci-darroda ah, waxaa sidaasi sheegay Kornayl Haaruun Siciid Cali oo ah taliyaha ilaalada xeebaha ee Berbera waxa uu yidhi, “Ma odhan karo waxba lagama dhoofiyo laakiin maaha mid si caadiya u dhacda.” Marka ciidamadiisu ilaalada u baxaan waxey isticmaalaan markab 65 fuudh dherekiisu yahey iyo laba doonyaha dheereeya ah si ay amaanka ugu ilaaliyaan.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaaji Du’ale ayaa sheegay in xeebtoodu dheertahey, oo ay iskana furan tahay, oo ay adag tahay in la ilaaliyo. Waxa uu sheegay inaaney jidadka xeebaha taga aaney ku oolin baro kaantarool oo lagu joojinayo ganacsigaa sharci-darodda ah. Laakiin magaalada Berbera ayaa ilaalada xeebaha iyo ciidamada boolisku waxa ay leeyihiin dad isku xidhan oo usoo warama kuwaasoo sanadadii aynu kasoo gudubney wax ka tarey xaaladaha amaanka, isla markaasna dadka ku jira ganacsiga sharci-darroda ah ku khasbey iney helaan goobo kale oo ay ka baxaan. Dekadda Berbera waxey muhiimad wayn u leedahey dhaqaalaha Somaliland, sida uu sheegay Axmed Maxamed Xaaji Du’ale waxaanu yidhi, “Waxa aad iyo aad nooga go’an inaanu ilaalino amaankeeda. Waxa aanu dhamaantayo aanuu dooneynaa in aanu aqoonsi u helno wadankayaga.”

Dawladdu waxey sameysay cutub ka tirsan ciidamadda oo la dagaalama ganacsiga sharci-darroda ah, cutubkaas oo loo yaqaano Cutubka 18 aad ayaa ilaa sanadkii hore ay xaruntoodu aheyd magaalada Lughaye, magaaladaasi oo ah meel kale oo si caadi ah looga dhoofiyo harimacadka dhasha ah iyo ganacsiga kale ee sharci-daroda ah.

Ninka mid ah raga kaluumaysatadda ah oo xeebta ka shaqeysanayey muddo 30 sanadood ah ayaa waxa uu sheegay inuu arkey nooc kasta oo ganacsiya oo sharci-darro ah oo Lughaye ka baxaya. Waxa uu sheegay in markii ugu horeysay uu arkey harimacad si sharci-darro ah lagu dhoofinayo sanadkii 2005, intii ka dambeysayna waxaabey noqotey mid iska caadiya, ilaa ay gaadheysay in uu harimacadka dhashaa uu arko bishiiba mar.

Ninka kaluumeysatada ahi wuxuu xusey in ay Cabdi Xayawaan is barteen, mar Cabdi Xayawaan gaadhigiisu ka jabey sanadkii 2014, oo intii ka dambeysayna ay si joogto ah isku arki jireen. “Wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ganacsi sharci-darro ah ku jira ee aan la kulmo,” wuxuu yidhi. “Waa nin aad u fur-furan oo inta badana gacan furan.”

Maalinta uu Cabdi Xayawaan uu magaladda ku cadilmey, ayey ka sheekaysteen shaqooyinka ay qabtaan. Cabdi Xayawaan ayaa waxa uu ku yidhi, “Adigu cuntadada badda ayaad ka heshaa, anigana taydu waxa ay ku jirtaa harimacadka dhasha ah, markaa ha I soo faro gelin.” Deedna Cabdi Xayawaan ayaa lacag siiyey.

Dhismaha qabow ee maxkamadda Hargeysa, ayaa garyaqaanka dawladda ee dacwadda kusoo oogayey waxa uu shidey fiidyowyo kale oo laga helay telefoonka Cabdi Xayawaan, oo ahaa harimacad dhal ah, mar kale ayaa dhawaaq la mid ah kii shimbiruhu waxaa uu qabsadey qolkii maxkamadda.

Ciddina kama warhayso halka ay ku dambeeyeen harimacadkaa dhasha ahi iyo iney ka mid ahaayeen 10 kii harimacad ee guriga Guuleed la keenay ee markii dambe la soo bad-baadiyey, iyo iney ahaayeen qaar dooni loo saarey wadanka Yemen oo imika ku nool guryaha filooyinka waaweyn ah, iyo iney ahaayeen, qaar ku dhintey halkii lagu hayey.

Harimacadka dhasha ah badankooda waxaa la siiyaa uun caanaha riyaha iyo hillib u badala nafaqadii hooyooyinkood ay ka heli lahaayeen, qaar badan oo ka mid ahna waxey u badan tahay iney nafaqo darro u dhintaan iyo xanuuno kale inta ay jidka ku sii jiraan.

Cabdi Xayawaan imika xabsiga ayuu ku jiraa, laakiin lama hubo inta uu kusii jiri doono. Gu’gii 2020 markii ay bilo kasoo wareegeen maxkamadii uu iskaga difaacayey dambigii lagu helay, ayaa waxa dib loo furey dacwadiisii. Mana cadda sababaha sidaasi loo yeelay. Sidoo kale gu’gii horre ayaa Guuleed waxa uu bixiyay ganaax waxaanu xabsiga ku jirey kala badh sanadkii lagu xukumey. Waxaanu ku geeriyoodey magaalada Hargeysa wax yar uun ka dib markii la soo daayey, waxaana sidaasi sheegtay Wasaaradda Deegaanka.

Hadii xukunka Cabdi Xayawaan laga noqdo waxa markaa dhamaan doona guushii wayneyd ee ay Somaliland ay ka gaadhey ganacsigaa sharci-darroda ah ee harimacadka dhasha ah, si la mid ah sida ay ku dhamaadaan dambiyo faro-badan oo ah kuwa dur-joogta ee caalamka, ka dhaca oo si shanqadh la’aan ah oo cidna waxba loo raacin ku dhamaaada.

Ilaa dabayaaqadii bishii june ee sanadkan waxa la diiwaan galiyey 150 harimacad oo la iibiniyey.

Wildlife Watch waxa weeye mashruuc sameeya warbixinaha baadhitaanka qotoda dheer ku saleysan oo u dhaxeeya National Geographic Society iyo National Geographic Partners waxaaney si xoog ah uga waramaan dambiyada loo gaysto duur-joogta iyo in si khaldan looga faa’ideysto halkan ka akhri warbixino kale oo ku saabsan arrimahaa Wildlife Watch stories, macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan National Geographic Society ka daalaco natgeo.com/impact.

Rachael Bale waxa weeye tifaftiraha sare ee qaybta qaabilsan xayawaanka ee National Geographic, waxaaney ka warantaa dambiyada kusaabsan duur-joogta. Sawirqaadaha Nichole Sobecki, waxa weeye qofka safarada u qaabilsan National Geographic, waxaaney xooga saartaa xidhiidhka ka dhaxeeya bini’aadanka iyo bay’adda dabiiciga ah. Warbixintan oo af Ingriisi aheyd waxaa turjumey Abdisalam Hereri.

Read This Next

An icy world is in meltdown, amid penguin population shifts
This sacred valley could become the next national monument
This 50-year project is tracking the Cascades' melting glaciers

Go Further

Subscriber Exclusive Content

Why are people so dang obsessed with Mars?

How viruses shape our world

The era of greyhound racing in the U.S. is coming to an end

See how people have imagined life on Mars through history

See how NASA’s new Mars rover will explore the red planet

Why are people so dang obsessed with Mars?

How viruses shape our world

The era of greyhound racing in the U.S. is coming to an end

See how people have imagined life on Mars through history

See how NASA’s new Mars rover will explore the red planet

Why are people so dang obsessed with Mars?

How viruses shape our world

The era of greyhound racing in the U.S. is coming to an end

See how people have imagined life on Mars through history

See how NASA’s new Mars rover will explore the red planet